GABAYADA

GABAYADII HADRAAWI


Maxamad Ibrahim Warsame Hadraawi;

Gabyagani wuxuu ka midyahay, gabayada tirada badan ee uu abwaanku curiyay. Gabayga magaciisa waxa la yidhaa "Hablaha Geeska Afrika".
Gabaygu wuxuu ku bilaabmay sidan:

Ma geyyoon ma gamashiyin ma gommodin ma gaagixin
ma gabloobin maan gudhin mana gabin halkaygii
gabaygiina maan deyn geeraarradaydii imminkaan
gardaadshoo Weli maan gunaanadin

Murti nimaam gunteediyo baran gogol-dhiggeedoo
gonda degi aqoonoo garab-daar lahayn baa
gawl-gawla hadalkoo kolba dhinac garoocdee
sida Webi Ganaanoo cirka godollo maaloo
biyihii ku gaaxdiyo gebiyadii kusoo degey
ku darsday gufaaciyo gullama diriroo
galli jabay habeenkii kolba gacan masoo rogay

Qudhaciyo galoolkii gunta xididka maw jaray
dhulka wada galaal iyo gabbalaha makaga tegey

afartaa geddaydii dhaha laygu garan jirey

Gurmashada dagaalkiyo gulufkiyo colaadaha
goobaha naf waagiyo halka laysku gowroco
marka gorodda lays daro haddaan dumarku goonyaha
guubaabo kicinayn sida galowga dhiilloon
illaa geesi qayrkii birta kuma gumaadeen!
GuВґ hagaagay oo daВґay dhulka geedo jiifaan
gurya-samo barwaaqa ah haddii geeddi lagu furo
dhallinyaro is gurataa gurdan raaca fiidkii
gole weyn ku kulantoo cagta garan-garkeediyo
isu geysa jiibkoo googooska luuqdiyo
gedda sacabka loo jaro hablahaa u gaaroo
garashada codkoodaa qof gaboobay kicisoo

gelbiskiyo mashxaraddaa gamaВґkaa ilaashee
haddaan gabadhi boodeyn illaa gegi cayaareed
wax ma dhaanto geriyaad
Haddaan guudka laga jarin gudihiisa xaabkiyo
cayayaanka laga gurin marwo dumar garka u xidhan
illayn guri dahsoon maleh Gaadaha habeenkii
kelidaa galgalashiyo ged-geddoonka dhalisoo
adigiyo goВґaagaa hadba dhinac u guuroo
barkintaad gabbood iyo gaashaan ka dhigataa
haddaan guud haldhaaley kolba gacan la saareyn
illayn gogoshu wehel ma leh

Kuma galo adduunyada ninna goonni-socodkoo
marwo garasho dheer baa ninka raga u gudinoo
iyadaa guddoonkiyo gadh-hayaa naftaadiyo
gaadiidka reerkiyo gurgurshaaga noqotoo
arrin kula gorfaysee haddaan gaari kula jirin
illaa noloshu guul ma leh

Go'i waa barbaareey Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa Gololadda haweenkee
hiddaheena gaarka ah Hablihii gabowgiyo
geerida ku sugi jiray

hablihii garayskiyo Xidhan jiray guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed Gelbin jiray tallaabada
hablihii gun iyo baar isha gacalo-eegtaa
gama aanay ledi jirin

hablihii gammaan faras iyo geela ugubka ah
guur doon ka bixin jiray
hablihii Gargaariyo Guuleed ku curan jiray
Goldaloolo iyo ceeb hablihii ka guban jiray

Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada Hablo weerar geli kara
Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara
Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah


JACAY DHIIG MA LAGU QORAY


Jacayl dhiig malgu qoray
wali dhuux ma loo shubay
qofna saanta dhabarkiyo
ma u dheegay feedhaha
dhabanadda cad laga jaray
hadalkii ma lagu dhigay
xinjir aan is dhalan rogin
midabkeedu dhiig yahay
laga dhuray halbowlaha
wali dhiil ma lagu shubay
laba mays dhansiiyeen
sida dhayda xoolaha
dhagdhag mow wadaageen.

Wali laba is dhaarsaday
beryo dhacan nasiib iyo
dhul ku kala cillaalaa
subax dharabku kowsaday
dhedaduna cuddoon tahay
cidla aan dhir mooyee
wax dhaqaaqayaa jirin
jabaq maysku dhaadeen.

kulankii dhabta ahaa
riyo dhiifi keentiyo
dhalanteed ma moodeen
sida ay dhadhabayaan
dhowr jeer ma seleleen
af dhabaan dhabjamshada
maka dhoofay hadalkii
bal dhawaaqna kay tahay
dhihiddii ma waayeen
maka dhabaqday xaajadu.

Ilmo dhalatay xiisuhu
sida dhibic ma hiigaan
maka qubatahay dhaayahay
ma ku dhoyey dharkoodii
naxariis ma dhidideen.




Iyagoo dhanqalankii
dheel dheelli mooyee
dhegna aanay kaga jirin
kolba erey dhex-roorkiyo
dhumucdii ka maqantahay
dhitinaaya kaligii
ka dib toban dharaarood
carrabkiyo dhanxanagii
dhirindhris maku heleen.

Laba guul u dhalatoo
isu dhiganta weeye
dabadeed dhabeeshii
hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
dhubad qaadka sheekadda
qofba dhagarta caashaqa
wxii dhaaxo soo maray
ma dhex galay kalsiisii
ma akhriyey dhambaalkii
warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa
dhamac iyo dab huriyeen
dhuxul iyo ladh soo kacay
hadba dhoon ma buuxsheen
kolba dhacan ma jiideen
dhacdhacdiyo ujeedda
qofba dhaadashadda guud
qofka kale dhankiisii
inaan looga soo dhicin
ma ku dhaabadeeyeen
sanad mays dhegaysteen.

Ma dhamaaday hadalkii
gelin maysku dhaacdeen
dhaygag iyo dareen shidan
gabbalkii ma ugu dhacay
ma dhaxeen habeenkaas
sida dhaan ma guuleen
dhaxantiyo mugdiga jira
dhabatadda xanuunka leh
ma u dhabar adaygeen.

Ma dhawaaqay waagii
dhag ma tidhi cadceeddii
intay soo dhaqaaqeen
iyagoon ka dheeraan
dhaqankiyo xishoodkii
dhaymana u jeel qaba
iyadoo dhexdoodii
dhulka suxul banaan yahay
wax intaas ka sii dhow
maku dhiiran waayeen
dhayal laysu taabtiyo
dhallinyaro habkeedii
maka dhego adaygeen
dhadhansiga miliilica
isha mayska dhowreen.

Dhabaday is taageen
qofba dhaabaddiisii
sar joog dhankiisii
kun habeen ma dhererraa!.

Dhudhummada aboorkii
dhulka hoose kaga baxay
dhilashada jirkoodii
ma dhanbalay sartii guud
ma dhammeeey hilibkii
xididdada ma dhaawacay
ma u dhaafay seedaha
lafta hoose mow dhacay.

Dhiilluu ku galiyaa
ama waad dhalliishaa
dhagartiyo wadkaagee
dhimmashada kal iyo laab
ma ku soo dhoweeyeen
dhoollaha ma ka qosleen.

Ubax dheelka subaxdii
naxariis ku dhaashtoo
afka dhiin cas mariyoo
dhaddigiyo labkiisii
laba dhude isugu maran
ma is dhaafsadeenoo
dhaxal maysu siiyeen
dhuuni kowlka caashaqa
maysu sii dhadhamiyeen
ereygii dhinaa hadal
dhegta maysu saareen.

Dhfadhaaf aboorkii
ma dhufsaday cammuudii
ma u qaatay dhoobadda
dhab-dhabkiyo kab-kabiddii
labadaba ma dhalan rogay
dhismo lake ma soo baxay
ma ka dhigay wax yaabliyo
dudun dherer ku caanoo
dhumuc iyo laxaad wayn.

Dhalan-dhoolka maantii
dadku dhacarta jiillaal
ma hadhsaday dharaartii
maka dheelmay galabtii
iyadoon la dhaadayn
sheekadda dhabteeddiyo
dhabar-wayntan hooska leh
in dhexdeeda laba ruux
runta kaga dhur sugayaan.

Hadaan laysu dhimanayn
nafta laysu dhiibayn
ama dhaxal tis qaadiyo
dhismo aqal la taagiyo
ubad iyo dhaqaaliyo
dhaqan reer la kala sugin
dhunkashiyo ujeedaddu
tahay dhaayo guudkood
waabay la dhabaqsaddo
dhereg iyo markaas qudha
ama sida dhurwaayada
hilbo gabadh dheg roonoo
higlo loogu dhuuntoo
dhaqso loogu kal baxo
ninba waxa dhabacashada
dabinkiis ugu dhaca
dhidar iyo xabaashii
sharaf lagu dhabcaaliyo
dhowrsooni laga tagay
dhalnteedka beenta ah
bulshadda u dhaawacan!.

Hab jacayl u dhaqan galo
ma holladay ka ugu dheer
maamuusna ugu dhow
mise wali waxbaa dhiman....







Gabadh Madow

Hadraawi isagoo ku hadlaya magaca qaaradda Afrika wuxuu yiri:

Goonyahaygu waa dhagar
guudkaygu waa xeel
garayskaygu waa seef
guntigaygu waa ciil
gudahaygu waa yool

Weligay gu´ iyo dayr
guul oomman baan ahay
hantidayda gawriyo
gabayooxna lgu beer
dayaxay u gudubtaa
anigana gelgelintiyo
garab rarato kama baxo
gadh wadeennadayduna
giddi inan-la-yaal iyo
guur-doonno weeyaan
geyaankoodu waa damac
utintayda lama gudo
gashigayga lama bedo
galladayda lama karo
dibnahaa ka gaabsada
guubaabadayduna
kama foga guraa-baas
Guuguule yeedhii.

Badi waan gadoodaa
Cidda aan galaaftaa
guurtidayda weeyaan
anigays gunaanada
hadba waxan ku giirtaa
guuleedka ii kaca
geeddigaygu sahan ma leh
geenyo hadaftey weeyaan
goob-yaalka milicsiga
gabar-gaalka lahashada
gacan haadis bay dilay
iyo laba gar-daymood
gurrantayda bidixdiyo
garabkayga midig baan
midba gelin u jeestaa
ka cabsaday god naareed
jannadana ma geli karo
gooddigooda ku anbaday
duniduna gabaabsiday.

Tiradaa gedmaysoo
i galaa baxaysee
maxaa goolal igu maqan?
dheeshan laygu goobtee
gefka lagu heshiis yahay
mee gar-sooreheedii?
Geeddu xeer ma leedahay?
Mise waa lug iyo gacan
labadaba ku garangari.

Goohu yuu kasoo baxay
guurowga yaa wadey,
maxaa keenay gabayada?
Inaan gabadh madow ahay
cadrad lagu gabbood yahay
malaa waad i garateen?

Sheeko gaaban baa tidhi;-
"Nin ay gaajo haysaa
guri yimi duleedkii
soddoh garasho dheer uu
gabadheeda qabay baa
dhito godollo sheellayd
ugu geysey meeshii..
..Isaguna guddoon yiri,
laysu guud mar toyashada
caanaha gadhoodhaa
inay guura-guuraha
weelka gaararkiisiyo
gunta badi ku ururaan
waa ged lagu yaqaannee,
godankii isugu tage.
..Isaguna ka geyn waa
inuu dhiilka gororsado
gacantana ma dari karo.
Isagoo xil-gubashada
u daruuray gaashaan
Isma gabe wuxu yidhi:-
"Markii ay na gelayeen,
waa nala gilgilayoo
inta nala gun-dhebey baa
afka nalaku gaacsaday".
..wadnihiisu galow ma leh
ku gadaangad ceebtii
libintana ku geeraar
xeeshiise lagu garay
murti guun ah laga reeb.

Jiiftada gar-dhaladka ah
waxan uga gol leeyahay
Allahayow gurracanaa
marti goor xun socotood
gobannimo ku soortood
kugu tidhi gun baad tahay!

Markii aan garaaddaha
taariikhda kala guray
illaa gogol-dhiggiinnii
galabtaad is-wacateen
taladana in lay galo
Baarliin ku goyseen
Ilaa gooshkan maanta ah
hadimada i gaadhiyo
waxaad geysateen baan
gocahsda xasuustee
maxaan reer Galbeedow
godob kaa tirsanayaa?
mise gabawar mooyee
tolow maba garowdaan!

Mxaas gaasas duuliyo
guutooyin xoogliyo
gurmad leedda-fuuliyo
guluf weerar tooxdiyo
dabley gaatan socotiyo
geba-geba i saarteen?

Maxaan goor la ssahdiyo
habeenkoo gabbala-ridey
laba gelin is-raaceen
gaaf-meerka socotada
iyo guura-bahallaha
geesaaska fiintiyo
galow fooridiisiyo
galayaxa rasaastiyo
col gurguuranaayiyo
gellimaad ku sara kacay.

Maxaad gaadde hoosiyo
gurrac iyo shirqool iyo
tabo igu gantoobteen?

Maxaad garan-gartaydiyo
guryahayga bi'iseen
Gacal iyo tol wada yaal
gobol gobol u u ooddeen
laba aan is-gooyeen
kala goonni yeesheen

Maxaa laba gudboonayd
midna garabka siiseen
ka labaad u guusheen
isku go´a tiraahdeen

Maxaa wiilal gaammurey
intaad ugu guduuddeen...= gowracdeen
ha galgalan tiraahdeen

Maxaa Gaanni ciidmiyo
hanad aan gardaadshoo
ku goblamay birayseen
golxobkiinnu ku afuray
maxaa geesi aan dhalay
inta gowrac mariseen
gorgor baahan siiseen
Maxaa inan gashaantiya
gayaxaha ka siibteen
milgadeeda gawsheen
ka xil baxay gayaankeed
maxaad gaari weer xidhan
*godol-qaad ku daydeen.......=kufsasho

Maxaa guul darraystiyo
godadliyo hinaasiyo
Gocor igu habayseen

Giiba sow nin ma ahayn?
Geeskayga bari yimi-

Maxaad gacan ku dhiigliyo
gibil kala tabooriyo
garma-qaate dhegaliyo
garac igu abuurteen?

Maxaad good mariidliyo
gungumiyo abeesiyo
*goodaaddo jilifliyo.....=abeeso
garangoorri socotiyo
inta bahal gurguurtiyo
belo igaga guurteen.

Maxaa gegi dabayliyo
gocodhaley cagaagliyo
galoof iyo candhooliyo
geyi lama degaaniyo
goonbaar habaasliyo
guban lagu asqoobiyo
gaajada rugteediyo
gabno igu tilmaanteen?

Goobtii harraadkiyo
gurigii cadceeddiyo
geedkii saboolkiyo
gudcur maararrowliyo
yaa go´doonka iga dhigay?
adduunyada geddaas faray?
gaasiray maxaan ahay?

Maxaa gocayadiinniyo
inta gaawihiinniyo
gorof iga milaasheen
gudhan iigu yeedheen

Aaway guuyadaydii
geeliyo lo´daydii
faraskiyo gammaankii
goolashaydi soocnaa?

Aaway gaaxsantaydii
dahabkii guduudnaa
macdantii goshaydiyo
gebiyada ku duugnayd?

Warshaddiinna guuxdaa
midhahay gadaysiyo
miidday guntaysiyo
ganacsiga abeerka ah
xaggee looga soo guray?

Guushkay tufaysiyo
dheecaanka gabaxliyo
xinxiraha galshaystiyo
dhiigga gobo´leh yayska leh?

Immisaa gabaarrey iyo
garab-casigu koray?

Maxaa gaatirtaydiyo
galdaloolladaydiyo
sida lay gabraartiyo
garka laygu laylyiyo
geedda lay salaaxiyo
googgaa ku sabiddiyo
gobortayda barateen?

Dadku geed adaygiyo
gudintay kol iyo laba
lafa-geri ku dhuuxaan
waxba kuma garaacdee
miyaan tiinnu gaagixin?

Maxaan geystay oo dhimay?
maxaan galabsadee falay?
anigoo la gamashiyey
gondahayga seetadu
waxay haar ku gedeftiyo
Gurgurkii i saarraa
boqol gu´iyo taartaar
anigoo gun iyo baar
korku wada gunaad yahay
anigoo la golongolay
sida caynku ii gubay
gubuxsiga tallaabada
graba-beekay dhowr jeer
goob-joogna ka ahaa
galab noolba waxa dhacay
anoo uur-gululuca
la gommoday dhibtaadii
adoo gacan togaalaha
gardarriyo is-yeel-yeel
intaasoo gef muuqdiyo
guul darrooyin igu falay
maxaad weli guhaaddiyo
gaadhka iiga haysaan?
maxaa gumuca boodiyo
gaara-bidhaantiyo
hubka iigu gibisheen?

Maxaad saymo gadataa
dab gamaaray hurisaa
Maxaad gawsahaagiyo
miciyada golxaystiyo
ciddi wada garaara ah
shaadh u gelisaa
maxaad geda-gedaysaa
hadba geed is-marisaa

Ummad geylameysoo
gaarkooda taladii
inta ay gorfeeyeen
raba inay geyoodaan
kuwa jira gadaashana
gaadiid u celiyaan
intaan gaasha-weyntiyo
cawa-darantu soo gelin
maxaa geeddigoodii
gujis lama filaaniyo
gal dad-liqa ku noqoteen?

Hadba ruuxa goolmoon
raba inad gunnaysaan
ama guufaf timiriyo
galley loogu sama-falo
maxaa geeridiisiyo
waran iyo gantaal iyo
gaalleef u siisaan?

U gurbaynta noloshiyo
gacan-siinta nabaddiyo
gudashada sidii roon
maxaa kaa gabaanadey?

Afartaas god madaleed
gola-joog ku naanays
*Gaarriyow ka marag noqo......=M X Dhamac (Gaarriye)
ila gudubtay sheekadu
geba gebana doontee
bal aan soo gunaanado

Ninka loo gol leeyahay
issagaa is-garan kara
sida goosan weer helay
igu gaabi tuurtuur
igu gado sir iyo caad
halkaad gaadho taagtaa

Aniguna il-galaclaha
is-gamaarintaydiyo
gadh-salaaxa maahdiyo
gama´aan hurdo lahayn
goroddaan lalminayaa
gabbashiyo ma aha quus
gar-naqsaan ku jeedaa
talaan gawda ku hayaa

Inkastaad gamuurteen
geedka aan ka beerrahay
ma qallalin guntaydii
ganto xidid leh baan ahay
dab baan soo gadaal-celin

Gebi-dhaca i haystiyo
gaalgaalka dheelliga
ku guddoonsan maayee
waxaan goobayaa raad
jidkii guusha aadmiga
gelbiskiyo mashxaradaha
gafi maayo hawlaan
guryo-samo ku tegi karo
gaobannimo ku hanan karo.

Guntashada xasuusaha
gudashada habboonkay
gabay gabaygan ciil-tira
u ged-baxa falaadkay
waxaan geysto magac-dheba
Aan lahaanno goorteed.



FADLAN ADINKUNA SOO DIRA WIXII AAD KA HEYSAAN GAYADAAS