Waxaa mahad ideelkeed iska leh, Allaha Raxmaanka ah.


Walaalayaal, mar labaad ku soo dhawaada Boggeyga aan ugu tala galay in asxaabteyda iyo ehelkeyguba ay ka helaan si fudud wax allaala iyo wixii ku saabsan arimaha qoyskeeyga, sida taariiqaha muhiimka ah, dhacdooyinka mudan in la xuso, dhalashooyinka caruurteyda ama caruurta aan waalidka u ahay iyo in aad ku barataan asxaabteyda aan aadka u jecelahay kuwooda iigu dhaw.

Hadii rabi qadaro waxaan boggan ku keydin doonaa wax allaala iyo wixii aan u arko in ay muhiim inoo yihiin, sidoo kale boggani waa bog qaas ku ah oo gooni u ah asxaabteyda iyo qoyskeeyga ee ma ahan mid khuseeya arimo kale, waxaanan jecelahay in aad wixii muhiim u ah arintaa aad igala shaqeysaan.

Sidoo kale waxaan galin doonaa wixii aan ka heli karo gabayadii ama taariikhdii Allaha u naxariistee Awoowahey Xaashi Geedi Jimcaale (Xaashi Garweyn), waxaan ayana raadin doonaa baraanburadii Eedadey Siraad Xaashi, gabayadii Aabahay iyo gabayo kale oo ay tiriyeen qaar ka tirsan walaalahey.

Arinta kale oo aan muhiimada saari doona ayaa ah in aan doondoono tirakoobka rasmiga ah ee faraca Xaashi geedi meelkasta oo ay ku kala suganyihiinba, waxaan kaloo jecelahy in uu boggani noqdo mid isku xira dhamaan qoyska reer Xaashi Geedi oo ay ka helaan wax yaalo badan oo khuseeya jiritaankooda.

Waxaa sidoo kale boggan ku lifaaqan sheekooyin soomaaliyeed oo xiiso u leh dhamaan booqdayaasha boggan, waxaanan idinku dhiiri galinayaa in aad boggan ku biirisaan wixii khuseeya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iteeda waafaqsan diinta islaamka.

Hadii aan idinka qanciyo magaca boggan oo aan ugu magac daray neenaasteyda iyo erayo kale oo raacsan www.sakiin.1colony.com , hadii aan ka dhigi laha cinwaan ka fudud kan waxaa fududaanaya raadinta ay dad badan ka heli karaan shabakada internetka ayagoo isticmaalaya qaababka kala duwan ee loo raakin karo cinwaanada.





Contact
sakiin55@hotmail.com