"/fs_img Gabay1

Welcome To My Homepage

Sayid Maxamed Cabdule Xasan


Geeridii Koofil
Markay taariikhdu ahayd 1913 ayaa Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo Cawaankiis iyo kuwii Miirada u ahaa. weerar lixaad leh ku ballaariyeen degmo tiil Burco iyo agagaarkeeda.Maal waxay lahaayeena gacantay ku dhigeen.Nimankii xoolaha la dhacay lahaa iyo Ingiriiska oo isasoo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday. Gaal la odhan jiray 'RICHARD CORFIELD' oo ka mid ahaa madaxdii ciidammada Ingiriiska dalka Soomaliya u fadhidey,madaxna ka ahaa rakuubleydii Ingiriiska(Camel Corps) ciidankiisii iyo raggii xoolaha oo galabtii Beer maraya bay garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda. Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihi oo duuban caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen dagaalna ugu hub qaadeen.Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday "Corfield" oo colka gaalada madax u ahaa la dilay,raggiisina waa la jabiyey.Madaxdii "Koofil" iyo gacantiisii midig Taleex baa la keenay si loo rumaysto geerida gaalka.Waxaa la yaab leh nin la odhan jiray Ina-weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa "Koofil" xoola ka dhacay, dadkiisiina si xun u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeed ninkaasi wuxuu tirshey gabay kuhaan ah oo uu "Koofil" ku habaarayo, waxaana gabaygiisii ka mid ahaa:


Sayidkoo wax galay raacdadoo,la isku soo gaaray
Adiga iyo gubniga aad waddaa,gobootaal noqo e
Girligaanku kaa joogsay oo,guuxa kaa damiye
Ku goosgooste nimankii kufriga,gaajaduu qabaye
Afkuna"gow" ku yiri xaajadaad,gees u badisaaye
Guga ha gaarin adigaa tolkay,gaajadaas badaye

dabadeedna,siduu"Koofil" u ya'day baa loo diley. Jahaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid maxamed ku yidhi Ismaaciil mire: xarunta uga waran jahaadkii, ambabixinnii, weerar dagaalkii gebagabadinnii iyo xoolihii saamigaad ka heshay, dabadeedna Ismaaciil mire wuxuu mariyey gabaygan


Annagoo taleex naal,jahaad taladii soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo darwiish, toogatay neef doora
Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynnay.

markaa kaddibna Sayid Maxamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey,oo wuxuu yidhi:


Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla'aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebahey kuu jirabay, mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji

Nafjeclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh

Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecaye dheg baan, jalaq la ii siinin dheh

Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh

Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
makay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh

Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh

Haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh



Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan
sakiin55@hotmail.com

…Baa Leh
Allaa xoog leh diin baa xarbi leh, tegid Xajkii baa leh,

Gob baa xidid leh xoor baa dhayo leh, dhaqasho Xiitaa leh,

Xasad iyo xumaan laysku dilo, xiisad beled baa leh.



Aqal xeerar weyn liyo xaal gobaad, xilasho gaaraa leh,

Xurmo iyo wanaag loo xishiyo, xidid Galbeed baa leh,

Waxaan kaa xishoon iyo ximaar, xeewal Bari baa leh.



Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Maryama
Gabaygakan waxaa tiriyey gabyaagii, geesigii, gobannimo-u-diririhii cadiimka ahaa ee Soomaaliyeed - Sayid Maxamed Cabdille Xasan. In Sayidku maansadatan gaaban uu tiriyo waxaa u sabab ahaa, ayaa la yiri, iyadoo xaaskiisa Maryama Cismaan Shiikh ay bukootay. Maryama, waxay ahayd afo qaali ah oo Daraawiishi si weyn u jeclaayeen, Ina Cabdille Xasanna aad ayuu uga tiiraanyooday jirradeedaas.



Allahayow Macbuudow adaan, kuu miskiin ahaye

Muraadkii aan leeyahay adaan, kuu miciinsadaye,

Eebbow Maryama noogu sahal, Maalig baad tahaye.



Muslim hooyadiis ahayd, meel uu joogaba’e

Kun leg oo muhaajiriinna waa, mahuradiisiiye,

Eebbow Maryama noogu sahal, Maalig baad tahaye.



Martidiyo manqada reerka iyo, maatadiyo xaaska

Inta mudanaha oo idil qoftaa, moosin u ahayde,

Eebbow Maryama noogu sahal, Maalig baad tahaye.



Laga xigtay: Ina Cabdille Xasan

E la sua attivita letteraria.

Yaasiin Cismaan Keenadiid

Naples, Italia, 1984kii.





Insert Another Sub Header Here
Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.
Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.

Insert Another Sub Header Here
Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.
Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.

Insert Another Sub Header Here
Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.
Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.